PLC waxay dooratay deegan, horumarinta tayada nolosha iyo bulsho ee Cuijk!

PLC waa xisbi shaqadiisu tahay arimaha gudaha(lokaal). Hormarinta wadanka waan la soconaa, laakiin ku ma xirnin. PLC waxay u doortey muuwaadiniinteeda wanaag iyo farxad, sidoo kale waxay siineysaa midab degmada Cuijk. PLC “Progressief Leefbaar Cuijk” macnaheedu waa horukaca nololeed ee Cuijk. PLC waxay dooratay deega, horumarinta tayada nolosha iyo bulsho ee Cuijk. | ||
HAL | Joogteynta tayada nolosha; ma aha in lagu ciyaaro tamarta (energy) iyo kheyraadka siidabargo’ayo, laakiin waa in aan sii isticmaalnaa ilaha tamarta oo la cusbooneysiiyo iyo dib u habeynta walxaha. Waxaan oogsonahay in isticmaalka cuntada uu keento bulsha cafimaad qabta. Waxaan iska difaceynaa isbelddeka cimilada. | Maxaan qaban karnaa ka PLC ahaan? *’Joogteynta qorshaha sanadka 2017 ilaa 2020 Cuijk’ wax lala yaabo ma’aha haseyeeshee, wa wax la gaarikaro haddii la qaato gorsho hawleedkaan iyo maalgelintiisa. *Waxaa lagamma maarmaan ah in la tallaalo geedo cusub, marka la jaro kuwii hore. *In la yareeyo laamiyada iyo in aan dhagex laga wada dhigin jidka. *In biyaha roobka laga leexiyo bullaacadaha. *Cuijk waxay u halgameysaa in la joojiyo gaaska dabiiciga ah (elektrisch koken). *Codsasho joogta ah oo la xiriira dhammaan qorshayaasha. |
LABA | Siyaasadda isdhexgalka; ma’aha adiga iyo annaga, abuur wada jir. Gemeente Cuijk waa iney ahaataa mid nabadgelyo, sinnaan, nolol, is aaminaad ku dhisan cid walba oo kuu nool Cuijk. | Maxaan qaban karnaa ka PLC ahaan? *Yareynta danbiyada, yareynta heerka shaqo la’aaneed iyo xaaladaha waxtarka iyadoo shago laguugu caawin doono. *Taageerada ka kooban isdhexgalka iyo aqoonta barashada luuqada. *Siyaasadda bulshada ee ku wajahan shaqaalaha ajnebiga ah ee ku meelgaarka ah. |
SADDEX | Ciyaaraha; Cuijk wey ciyaartaa, waxeyna kor u qaadaa caafimaadka. PLC waxey tiri ciyaaruhu waa furaha ka qeybgalka cafimaadka bulshada. OMNI-Sport ayaa ka qeybqaadata arrinkaas, weyna mudantahay in la caawiyo. | Maxaan qaban karnaa ka PLC ahaan? *Ka dabategidda hirgalinta dayactirkii daahay. *Kobcinta xarumaha sportiga ee hadda jira. *Horumarinta iyo israacinta ururada ciyaaraha iyo naadiyaha (Omni-Park). |
AFAR | Horumarinte deegaanka Cuijk iyo tuulooyinkeeda; dhaqaalaha lageliyo Tiyaartarka (Schouwburg) ma’aha inuu ka bataa inta lageliyo xaafadaha iyo tuulooyinka. Isticmaal wixii hore intii wax cusub la raadin lahaa! Ka hortagidda dhismayaasha iyo dhulka banaan, ayadoo marka hore la camirayo meelaha banaan. | Maxaan qaban karnaa ka PLC ahaan? *In la dhimo qiimaha lagu galo Tiyaartarka (Schouwburg) uuna noqdo mid gelitaankiisa la wada awoodi karo. *Dib u dayactir meelaha la degen yahay iyo dhulka shirkadaha. *Ka hortag meelo cusub oo bannaan ama laga guuray. *Tixgelinta dib u habeynta dhulka ‘Land van Cuijk’ waxaa ka dhalankara horumar xoog leh iyo dimuqradiyad. |
SHAN | Siyaasadda waayeelka; bulshadu wey ciroobeysaa. Taas macnaheedu ma’aha in dadka waayeelka ah oo barwaaqada na soo gaarsiiyey cidlo looga tago. | Maxaan qaban karnaa ka PLC ahaan? *Tirada iyo tayeynta guryaha hadda jira waa in ay ku haboonaadaan dadka waayeelka ah oo raba in ay waqti dheer si madaxbanaani ah ugu noolaadaan. *Ayaadoo la marayo jidka sharciga caawinaada bulshada (WMO). Waa in isbadal la keenaa lana hormariyo dhaqdhaqaaqa dadka waayeelke, baahidoodana wax walba laga hor mariyaa ayadoon la eegin shilinka. *Mutadawiciin wanaagsan iyo daryeel fiican oo la siiyo ehelka, waaridka, dariska (mantelzorg). Sharuudo shago oo wanaagsan oo loogu talogalay shaqaale ka shaqeeya qaybta caafimaadka. |
LIX | Siyaasadda bulshada; PLC waxay u taagantahay daryeelka deegaanka, wadajir iyo midnimo. Isdexgal qalbigeedu yahay dimuqraadiyad wada noolaansho iyadoo midkeena jilcan ee bulshadeenna aan si gaar ah iskaga xilsaarnno. | Maxaan qaban karnaa ka PLC ahaan? *Jiritaanka qadka saboolnimo oo layareeyo ilaa 16% laga bilaabo 2018 ilaa 2022. *In kabadan 12% caruurta ku nool gemeente Cuijk, waxay ku suganyihiin xalaad saboolnimo (sida laga soo xigtay GGD 2016). PLC waxay yaraynaysaa ugu yaraan 25% *Xadka daqliga ugu yaraan waa in la gaarsiiyo qiyaasta 120% heerka mucaawinada. *Hoos u dhaca dhinaca guryaha ijaarka bulshada waa in aan yaraynaa 30% hoos u dhacaas. *Ma jirayso shaqo mushaarla’aan ah! *PLC waxay sugeysey qiyaas 20 sano iney furaan daaqad (een loket) oo hawl geli doonto september 2018. Shaqadeeduna tahay caawinaadda xaaladaha deg-dega. |
Guud ahaan barnaamijka doorashada 2018-2022 waxad ka heleysaa website PLC: www.plc-cuijk.nl
La xiriir: Henk Siroen, madaxa xisbiga PLC , Sleedoorn 71 , 5432 AJ Cuijk. Tel. 06 53846261 Email: h.siroen@kpnplanet.nl
Wixi talo bixin ah booqo www.MijnStem.nl
Over PLC-Cuijk
PLC is al vanaf 1981 een partij van vooruitstrevende politiek, die zich kenmerkt door de wens voor een actieve betrokkenheid van de Cuijkse burgers

Contactinformatie
© 2018 PLC-Cuijk. Alle rechten gereserveerd. Designed door By Bits & Pieces.